Marka dhibaatooyin ama walwal ku hayo, wac dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeel caafimaad. Dheh, "Wadnahaa ayaa la iga hayaa calaamadaha aan isku arkayna waa …"
dhib neefsashada ah oo kugu cusub, ka sii daraya, ama aad isku aragtid marka aad jiif isku kala bixisid; ama aad habeenkii toostid iyada neeftu ku hayso
daal, tabar-dari, awood-dari, dawakh
laab xanuun aan kaaga tagin isticmaalka naytrogilisiriin (nitroglycerin)
qufac aad habeenkii isku aragtid ama aan kaa tagaynin
cago, kuraan/canqaw iyo lugo ka barar badan intii caadiga ahayd
lallabo ay weheliso sbarar, xanuun iyo danqasho ah caloosha
korodh miisaan oo ah 3 rodol gudaha hal maalin ama 5 rodol gudaha hal todobaad
Wac 911 haddii:
Aad suuxdid
Si weyn neeftu kuu dhibayso ama aanad hadli karin sababta oo ah neefta oo kugu dhagan